Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa amar ka soo saaray dhismayaasha dhaadheer ee laga dhisaayo degmooyinka ku hareereysan Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Muqdisho eeAadan Cade.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amar ku bixiyay in la joojiyay dhammaan dhismayaasha laga dhisayo agagaarka garoonka Aadan Cadde ee ka socda degmooyinka; Xamar-weyne, Xanar-jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynley.
Maamulka ayaa u sabeeyay joojinya dhismayaashan cabasho ka timid maamulka garoonka diyaaradaha iyo sidoo kale duulimaadyada caalamiga ah ee isticmaala garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.
Xeerkan oo uu saxiixay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale [Madaale] ayaa lagu faray shirkadaha iyo shaqsiyaadka leh anteenooyinka iyo dhismayaasha dhaadheer ee ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde inay suraan nalka guduudan, si ay diyaaradaha joogga hoose ku socda u arkaan dhismaha ama anteenada.













