Guddoomiye Madaale oo booqday Safaaradda Somalia ay ku leedahay Magaalada Dooxa ee dalka Qatar: SAWIRRO

0
302

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayaa maanta booqday safaaradda dowladda JFS ay ku leedahay dalka Qatar, halkaasoo uu kula kulmay danjire Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo ah safiirka cusub oo ay Dowladda FS dhawaanna u soo magacaawday Qatar.

Duqa Muqdisho, mudane Madaale ayaa ugu horreyn danjirr Doodisho ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, isaga oo u rajeeyay in uu Alle SWT u fududeeyo hawlaha culus ee horyaalla.

Ugu dambeyn, Safiirka Dowladda Somalia u fadhiya dalka Qatar, Danjire Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen xarunta safaaradda oo ah goob loogu qidmeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here