Ku-simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa boqollaal shacab ah salaada ciidul fitriga kula tukaday degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Mudane Yabooh ayaa bogaadiyay sida ay shacabka Muqdisho gacan uga siiyeen laamaha ammaanka in bishii Ramadaan nabad loogu soomo lagana hortago dhagaraha khawaarijta iyo kuwa la hal-maala, waxa uuna shacabka uu la tukaday salaadda Ciidda Alle uga batyaya in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo baraare.
Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda ayaa si weyn looga ciiday maanta, iyadoo malaayiin shacab ah ay si nabadgalyo ah salaadaha ciiddul fitriga ugu tukadeen masaajiddo iyo barxado waaweyn oo ku yaalla caasimadda dalka ee Muqdisho.


























