Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo la wadaagay xaaladda dalka, qorshaha difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda, guulaha laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada ka dhageystay warbixinno ku saabsan fursadaha iyo caqabada haysta dhallinta Soomaaliyeed iyo aragtiyo ku aaddan hoggaaminta dalka, waxa uuna uga warbixiyay qorshaha dowladda ee horumarinta dhallinyarada, gaar ahaan shaqo abuurka iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.
Ugu dambeyn, Kulanka waxaa qayb ka ahaa taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin.

























