Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, ayaa maanta aqalka dowladda hoose kulan kula qaadatay Xoghayeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay hawlaha ka socda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray nadaafadda magaalada, sugidda amniga, iyo u diyaar-garowga doorashada qof iyo codka ah.
Intii uu socday kulanka, Xoghayaha Guud ayaa dhagaysatay warbixinno faahfaahsan oo ay soo jeediyeen Xoghayeyaasha degmooyinka, kuwaas oo ku saabsan sidii loo dardargelin lahaa adeegyada bulshada iyo kor-u-qaadidda bilicda magaalada.
Marwo Bilan Bile Maxamuud ayaa ugu baaqday Xoghayeyaasha in ay kordhiyaan dedaallada iyo isku-duubnida, si loo xaqiijiyo muuqaal cusub oo caasimaddu yeelato, ayna noqoto tusaale u qalma magaalo madaxda dalka. Waxay sidoo kale ku adkaysay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta joogtada ah ee ka dhaxaysa heerarka maamulka kala duwan.













