Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qaybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan DFS, madaxda garsoorka dalka iyo aqoon-yahanno Soomaaliyeed ayaa ka qayb-galay kulan lagu soo bandhigayay cilmi-baaris laga sameeyay sida xooggan oo uu bulshada ugu faafayo isticmaalka maandooriyaha iyo khatarta uu ku hayo mustaqbalka dhallinyarada.
Hay’adda horurimarinta Nabada iyo Dimuqraadiyadda ee HIIL ayaa soo bandhigtay cilmi-baaris ay ka sameeyeen faafitaanka dhibaatada maandooriyaha, gaar ahaan xarumaha waxbarashada, xarumaha caafimaadka, xarumaha ganacsiga iyo goobaha ay bulshada isugu yimaadaan.















