Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.
Kulanka ayaa loogu hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii la isaga kaashan lahaa fulinta barnaamijyo horumarineed oo wax ka qabanaya dhinacyada shaqo-abuurka, caafimaadka, waxbarashada iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, taasoo hortabin u leh maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.














