Maanta magalaada Muqdisho waxa ay u aheyd xarig jar iyo dhagax dhig.. waxaa muuqda waxqabadka guddoomiye Madaale iyo maamulkiisa.. Waxaa caddaaray in ay dadka Muqdisho qidmooyinka lag qaado wax muuqda loogu qabtay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magalaada Muqdisho Mdane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa xarigga ka jaray saddex waddo oo laami ah oo laga hirgeliyey caasimadda, kuwaas oo ku kala yaalla degmooyinka Garasbaaley, Waaberi iyo Xamar Jajab, Kaaraan iyo Cabdicasiis, iyaga oo dhinaca dhagax-dhigay waddada isku xirta dabka illaa isgoyska Bakaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka caasimaddu ay kaalin wayn ka qaadanayaan, isku socodka dadka, gaadiidka, bilicda, amniga iyo dhaqaalaha, waxa uuna xusay in Muqdisho hadda ay cagta saartay jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada.
Waxa uu intaas ku daray in dib-u-dhiska waddooyinku ay ka jawaabayaan canshuurtii laga qaaday dadka Soomaaliyeed in ay ku dhacday gacan aamin oo dib ugu soo celinaysa bulshada, iyada oo loogu beddelayo horumarka iyo amniga ay u baahan yihiin.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir horumarka iyo dib-u-dhiska ballaaran ee ay ka wadaan Muqdisho, si ay caasimaddu ula tartanto caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka.
Ugu dambeyn, Waxa kale oo dhammaaday oo maalmaha soo socda la xarig-jari doonaa waddada Oodweyne, waddada Jowhara iyo kuwo kale.











































