Shirka Wasiirrada Maaliyadda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka G/Banadir oo laga soo saaray Qodobbo muhiim ah

0
251

Shir u socday muddo laba maalimood wasiirada maaliyadda Dowlada Federaalka Somalia, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Somalia iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gunaanada Muqdisho, iyada oo laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa lagu gorfeeyay dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynta canshuuraha iyo dhameystirka sharuudaha deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka soo xiray, ayaa xusay in intii uu shirkan socday ay wasiiradda Maaliyadda Federaalka, kuwa heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir uga hadleen arrimaha mideynta canshuuraha dalka iyo sidii loo dardargelinta lahaa dhaqan-gelintooda.

Sidoo kale, Shirkaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Dhexe, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee saaxiibada caalamka ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo deeqaha maaliyadeed ee loo yaqaan DPO.

Ugu dambeyn, War-murtiyeedka wadajirka ah ee shirka laga ay saxiixeen wasiirrada maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa waxa aan qayb ka ahayn oo aan ka saxiixa ku jirin Dowladda Puntland, inkasta oo si ramsi loogu casuumay shirka.

AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here