Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qayb-galay xarig-jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay taliska ciidanka xoogga dalka iyo qof walba oo ka qayb-qaatay dhismaha xaruntan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay dowladnimadda Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay hawl-galada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta ee ay geesiyaasha Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobollada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.
Dhanka kale, Ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goor-dhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka.
Ugu dambeyn, Munaasabadda xarig-jarka xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa goob-joog ka ahaa; Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha xerada tababarka ciidanka ee Turksom iyo marti-sharaf kale.































