Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo Shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay Suuqyada Degmada Heliwaa: SAWIRRO

0
290

Guddoomiyaha maamulka degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, mudane Mire Salaad Dhuxulow ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay suuqyada degmada Heliwaa.

Agaasimaha waaxda suuqyada gobolka Banaadir, Maxamed A. Cujub ayaa la wadaagay guddiga suuqyada degmada Heliwaa qorshaha uu gobolka Banaadir ku hormarinayo suuqyada degmooyinka gobolka Banaadir ku yaalla.

Sidoo kale, guddiga suuqyada degmada Heliwaa ayaa dhankooda xusay cabashada iyo gaabiska ka jira suuqyada degmada Hliwaa, isla markaana ay doonayaan in loo dhiso suuqyo casri ah loona dayactiro kuwii hore u dhisnaa.

Ugu dambeyn, Shirkan waxaa kasoo qayb-galay dhammaan maamulka degmada Heliwaa iyo taliyaha saldhiga booliiska degmada Heliwaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here