Shirka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho ka furmay: SAWIRRO

0
323

Waxaa maanta Magaalada Muqdiaho ka furmay shirka iskaashiga waddamada Bariga Afrika, waxaana shirkan oo socon doona illaa 03-da Feberaayo 2023, ayaa waxaa si rasmi ah u furay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Axmed Haruuse.

Muddada uu shirkan socdo ayaa lagu eegi doonaa hannaanka xaqiijinta shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya ee ku biirista ururka gobaleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika.

“Shirkan waxaa kasoo qaybgalay 46 xubnood oo ka socda ururka AEC, kuwaasoo u kuurgeli doona waxa inoo qabsoomay,” ayuu yiri C/salaan Cumar Hadliye oo ah ergayga madaxweynaha Soomaaliya ee ururka AEC.

Sidoo kale, Hadliye ayaa sheegay in xubnaha shirkan ka qaybgalaya ee ka socda ururka ay yihiin kuwo farsamo, kuwaasoo marka uu shirku dhammaado waebixinno ka siin doona wixii ay soo arkeen madaxda waddamada ku mideysan ururka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afirka.

“Faa’iidooyinka Soomaaliya ugu jira ka mid noqoshada ururkaan; waa in ganacsigeennu gaaro dalalka ururkan ku jira. Tan kale shan ka mid ah dalalka ururkan ku jira bad ma lahan, sidaa daraadeed waxay Soomaaliya dhaqaale badan ja sameyn kartaa dekedaha oo ay u furto si ay alaabahooda ugala soo dagaan, innagana aan ka helno dhaqaale, shacabkeennuna ay shaqo abuur u noqoto,” ayuu ergaygu hadalkiisa ku daray.

Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (The East African Community-EAC) ayaa i Soomaaliya ay ka mid noqoto waxay ay soo billaabatay muddo fog, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in ururkan oo aanu ka mid noqonno ay Soomaaliya u abuuray fursado dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here