Waxaa maalinta berri ah magaalada Muqdisho kulan ku yeelanaya madaxda dalalka safka hore kulankaas ayaa waxaa shir-guddoomin doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in shirkan lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta deegaannada ay weli ku harsan yihiin Khawaarijta, isku dubaridka taageerada muhiimka ee dalalka safka hore iyo sidii la isaga kaashan lahaa howlgallada, isagoo xusay in kulankan uu sahlayo ciribtirka Argagaxisada.
“Wasiirrada iyo taliyeyaasha ciidammada ayaa maanta diyaarinaya ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya, kaasoo la filayo in natiijada kasoo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo gulufka millateri ee ka dhanka ah argagixisada iyo guud ahaan amniga gobolka,” ayuu yiri wasiirka oo warbaahinta la hadlay.
Wasiirka ayaa intaas ku darsy in dowladdu ay cudurdaar ka bixinayso saameynta shacabka ku keeni karaan tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga Muqdisho oo saameyn ku yeelanaya dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku nool caasimadda dalka.
Ugu dambeyn, shirka waddamada safka hore ee ay Soomaaliya horkacayso kana mid yihiin dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in lagu mideeyo istiraatiijiyadda lagu wajahayo howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.













