Guddoomiye Ciise Guure oo ka Qayb-galay Furitaanka Bandhigga Muqdisho Book Fair oo Sanadkii 8-aad la qabanayo: SAWIRRO + VIDEO

0
249

Ku-simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qayb-galay furitaanka bandhigga carwadda buugaagta ee (Muqdisho Book Fair) oo sanadkii 8-aad lagu qabanaayo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Ciise Guure ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu leedahay qorista iyo akhrinta, waxa uuna ku booriyay dhallinta in ay badiyaan akhrinta si maskaxda iyo garaadkooda u koro, isaga oo ballan-qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu gacan ka geysan doono dib u soo celinta maktabadaha si fursad ay u helaan ardayda oo ay cilmi-baarisyo ugu sameeyaan sooyaalka iyo taariikhda Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay qorayaasha in ay ku dagaallamaan qalinka si la mid ah siday ciidanka xoogga dalka ugu dagaallamaan hubka, isla markaana ay wax ka qoraan dhibaatada xilligaan ka jirta dalka Soomaaliya ee khawaarijta Ku hayaan, si jiilka soo koraaya ay u ogaadaan inay jiri jireen koox dad qalato ah oo khawaarij la dhihi jiray, kuwaas oo diinta ku qaraaban jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here