Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarigga ka jaray waddada laamiga ah ee isgoyska Towfiiq illaa isgoyska miisaanka dhuxusha ee degmada Yaaqshiid, taas oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.
Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay isku tashiga bulshada degmada Yaaqshiid iyo sida ay ugu dhiiradeen hirgelinta barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doollar ee lagu horumarinayo kaabayaasha kala geddisan ee caasimadda, waxa uuna kula dardaarmay in la ilaaliyo bilicda wadadaan.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, mudane Suleymaan Maxamuud Fargax, agaasimeyaal, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala geddisan ee bulshada degmada Yaaqshiid.