Kulanka wadajirka ah ee ay yeesheen xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku furmay 198-xildhibaan, waxaana ajandaha kulanka uu ahaa dib eegista dastuurka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaan guddoomiyay kulankan oo ahaa kii 11-aad ee labada gole BJFS, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada labada aqal ee BFS ayaa loo qaybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka dastuurka iyo warbixinta la socota, waxaana inta ay dooddu socoto la akhrin doonaa afar cutub.
Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta dastuurka ayaa mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka la wadaagay warbixinta cutubyada ay soo diyaariyeen, qaybaha ay ka kooban yihiin iyo habka ay u soo diyaariyeen in ka doodistooda loo wajaho. Waxaana maanta qaar ka mid ah xildhibaannada labada aqal ay su’aalo weydiiyeen guddiyada arrimaha dastuurka ka shaqeynaya oo dhankooda ka jawaabayay su’aalaha la weydiinayay.
Waxyaabaha xildhibaannada qaar ay doodda ka qabeen ayaa ahayad waqtiga lagu soo gaba-gabeynayo ka doodista afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka oo ay qaarkood sheegeen In ay aad u kooban tahay loona baahan yahay waqti intaas ka badan maadaama dastuurku aad u muhiim u yahay.
Xildhibaanada labada aqalka oo ka dooday mabaadi’da guud ee cutubyada dastuurka ayaa soo jeediyay in la ilaaliyo waqtiga rasmiga ah ee loogu tala-galay jadwalka doodda, waxa ayna Xildhibaannada BFS tilmaameen in lala tashado bulshada qaybaheeda kala duwan, lana dhageysto aragtiyada wax-galka ah ee ay soo gudbinayaan.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta kulanka uu yahay mabaadi’da guud xildhibaannada ay talooyinkooda muhiim tahay, waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in dooda dastuurka ay billaabanayso kulanka xiga ee wadajirka ah.













