Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.
“Shacabka Soomaaliyeed oo ay kuwa ku nool Muqdisho ugu horreeyaan, waxa aan ugu hambalyeynayaa munaasabada Ciidul Adxa. Dhammaan Muslimiintii Xajisay oo ay Soomaali badan ka mid ahaayeenna, waxa aan Rabbigeenna uga baryayaa inuu acmaashooda ka aqbalo,” ayuu yiri Yuusuf Madaale.
Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed meel walba oo adduunka uga sugan yihiin ugu hambalyeeyay maalmaha xorriyadda, isaga oo u rajeeyay in sannadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo baraare.
Ugu dambeyn, Shacabka Caasimadda ku nool ayuu Guddoomiye Madaale waxa uu ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada sugaya amniga inta lagu jiro maalmaha isi-saaran ee Ciidul Adxa iyo Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya.













