Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Hay’adda TIKA ee Soomaaliya: SAWIRRO

0
365

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay madaxa hay’adda TIKA ee Soomaaliya, mudane Zafer Eşki, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii loogu wada shaqeyn lahaa mashaariicyo horumarineed.

Duqa Muqdisho ayaa kaga mahadceliyay hay’adda TIKA iyo guud ahaan dowladda Turkiya garab-istaagga iyo doorka ay ka qaateen dib u soo kabashada dalka, gaar ahaan mashaariicda horumarineed oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Kulanka ayaa loogu hadlay in xilligan la joogo waqtigii la iska kaashan lahaa fulinta mashaariicyo lagu garab-istaagayo dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho in loo sameeyo shaqo abuur iyo in laga taageero barashada xirfadaha farsamada gacanta.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here