Guddoomiye Amiir oo Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ku Qaabilay Safiir ku xigeenka Safaaradda Suudaan: SAWIRRO

0
39

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay safiir ku-xigeenka safaarada Suudaan ahna sii-haayaha safiirka, mudane Ammar Ahmed B. Ali, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii ganacsatada warshadleyda ee dalka Sudan kaga soo tagay dagaallada ka socda awgeed ay fursado maalgashi ugu heli lahaayeen dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo sidii loogu wada-shaqeyn lahaa ka faa’ideysiga aqoon-yahannada iyo khibradleyda u dhashay dalka Sudan ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Amiir ayaa kaga mahad-celiyay dalka Sudan doorka ay kasoo qaatee taageerida shacabka Soomaaliyeed ee dhinaca dowlad dhiska iyo kaalinta ay hada kaga jiraan dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada dalka, asigoona adkeeyay dhawrista walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab isla markaana ay Muqdisho tahay dalkooda labaad.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here