Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay la wareegay xafiiska Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ugu horreyn u mahadceliyay madaxweynaha JFS, mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale u magacaaabay Xilka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iaagoo sheegay inuu fulin doonno tilmaamaha iyo dardaarankiisa ku aaddan horumarinta magaalada Muqdisho.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in magacaabistiisa ay kusoo aadayso xilli ay magaalo-madaxda wajahayso caqabado waa-wayn sida burburka waddooyinka, nadaafadda oo liidata, biyo-mreennada oo burbursan, korriimada caasimadda ee aan lahayn qorshe magaalo, arrimaha maqaam ay caasimaddu yeelato, metelaadda gobolka Banaadir oo weli aan la dhamaystirin, bixinta adeegyada bulshada oo tiro iyo tayo ahaanba hooseeysa, nidaamka ururinta canshuuraha iyo khidmadaha oo hagaajin iyo casriyeyn u baahan, cabashada muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda oo aan intooda badan laga jawaabin, isku xerka bulshada iyo laamaha amniga iyo culeysyo kale oo u baahan xal-waara iyo wadajir in lagu wajaho.
Waxa uu xusay inuu kalsooni buuxda ku qabo aragtida hoggaamineed ee hawl-wadeennada maamulka G/Banaadir iyo wada-shaqyanta dhammaan hay’adaha dowladda, ganacsatada iyo hoggaanka Bulshada oo loo baahan yahay inay kaalin weyn ka geystaan hirgelinta ahdaafta horumarinayd ee caasimadda, iyadoo lagu shaqeynayo mabda’a ah HAWL IYO HUFNAAN oo sal looga dhigayo isku-tashi iyo isku-filnaan, si magaaladu ay u noqoto mid nabad ah oo la isku dooran karo oo loo dhan yahay, lehna awood soo kabasho iyo waaritaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xusay in 100-ka maalimood ee ugu horreeya uu si gaar ah xoogga u saari doonno arrimaha soo socda:

1. Dardar-galinta wacyigelinta bulshada gobolka si sare loogu qaado fahamka bulshada ee la xiriira ahmiyadda ay leedahay doorashada tooska ah iyo metelaadda si ay kor ugu kacdo tirada is-diiwan-galinta codbixiyaasha.
2. Xoojinta amniga iyo nabad-galyada gobolka Banaadir, waxaan dib u hawlgelin doono guddigii amniga gobolka kaasoo qaadan doono doorkiisa ah jihaynta, xiriirinta iyo kor joogtaynta hawlaha amni-sugidda iyo horumarinta adeegyada garsoorka ee gobolka Banaadir.
3. Si loo xoojiyo kaalinta bulshada ee amniga, waxaan taaba-gelin doonaa barnaamij darisayn oo loo daadajiyo min degmo illaa 10-tireye, sidoo kale waxaan adkayn doonaa amniga xeyndaabka Caasimadda.
4. Taageeridda iyo garab istaagga hawlgallada dib u xoraynta dalka ee la dagaallanka khawaarijta si looga sifeeyo guud ahaan dalka.
5. Si waafaqsan sharciga shaqaalaha Dowladda Hoose Lr 28 Biis ee soo baxay 21-kii Feb, 1976 iyo sharciyada kale ee khuseeya maamulka maaliyadda iyo dhulalka, waxaan dib u habayn ballaaran ku samayn doonaa nidaamka dakhli ururinta, kharash bixinta, maamulka shaqaalaha iyo dhulka iyo xoojinta hanti-dhawrka gudaha si kor loogu qaado maamul wanaagga, tayada adeegyada Dowladda Hoose, waxqabadka maamulka iyo kalsoonidda ay muwaadiniinta ku qabaan adeegyada Dowladda Hoose.
6. Hawlaha nadaafadda caasimadda ayaan si deg-deg ah wax uga qaban doonnaa annagoo soo saari doono xeer hoosaad hagaya hawlaha nadaafadda guud iyo maaraynta qashinka, anagoo xoojinaynana awooda maamulka, dib u eegis iyo inagoo xisaabtan ku samayn doonno shirkadaha bah-wadaagta kula ah maamulka Gobolk Banaadir dhinaca adeegyada nadaafadda caasimadda iyo in aan daah-furi doonno barnaamijka ABAAL MARINTA DEGMO oo ah waxyaabaha aan ku qiimayn doonno degmooyinka ay ka mid tahay nadaafadda degmada.
7. Waxaan sidoo kale ka hawlagli doonnaa dib u dayactirka waddooyinka ku burburay roobabka iyo dib u soo noolaynta mashruuca nalaynta caaasimadda.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in uu xooga saari doonno horumarinta adeegyada bulshada sida; caafimaadka, waxbarashada, cayaaraha, nadaafadda, bilicda, cagaarinta caasimadda, adeegyada gurmadka deg-degga ah, gargaarka bani’aadanimada iyo xal ka gaarista barakacyaasha, diyaarinta qorshe magaalo oo billow u noqda in xal-waara oo laga gaaro dib u dhiska waddooyinka, buundooyinka, bullaacadaha, biyo mareenada iyo dib u naqshadeynta kaabayasha jidadka si loo sahlo isku socodka gaadiidka iyo bad-qabka dadweynaha, iyadoo la kaashan doono xukuumadda fadaraalka ee uu hoggamiyo Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Bare, ganacsatada, khubarada dalka iyo bah-wadaagta kale ee taageerta Soomaaliya.













