Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax-dhigay 20-waddo oo Interlock ah, kuwaas oo laga hirgelinayo waaxda Jabuuti ee degmada Kaaraan.
Guddoomiyaha degmada Kaaraan, mudane Faarax Cadaani Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisa oo kaashanaaya bulshada ay si isku-tashi ah ku dhisanayaan waddooyinka xaafadaha, maadaama dhibaato dhinaca isku socodka ah ay ku qabaan bulshada.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku amaanay maamulka iyo shacabka degmada Kaaraan doorkooda ku aaddan dhismaha waddooyinka, isaga oo ballan-qaaday in uu gacan ka geysan doonno wax weliba oo lagu horumarinayo dhismaha kaabayaasha isku socodka bulshada.