Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kormeeray waraha iyo biyo-qabadyada ku yaalla degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta Nabadda iyo Kaaraan, si loogu diyaar garoobo xilli roobaadka nagu soo food leh.
Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, oo sheegay in meel wanaagsan ay marayaan hawlaha dib u hagaajinta waraha iyo biyo-qabadyada degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiye Amiir ayaa faray Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir inay dardar-geliyaan hagaajinta waraha iyo biyo-qabadyada, isaga oo ka digay in lagu xadgudbo bilicda iyo nadaafadda magaalada Muqdisho, waxa uuna xusay in dhawaan la hirgelin doono sharciga nadaafadsa oo ay ku xusan yihiin ganaaxa ay muteysan doonaan dadka ku xadgudba nadaafadda.


































