Maxkamadda Ciidamada qalabka side ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay saddex dhagar-qabe oo ku eedeysnaa inay Qaraxyo iyo Dilal u fuliyeen Al-shabaab.
Dhagar-qabayaasha saaka lagu fuliyay dilka toogasho ahaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen:
1. Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow),
2. Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego)
3. Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).
Dilkan toogasho ee maanta lagu fuliyay saddexda eedeysane, ayaa imaanayaa iyadoo maalin ka hor sidan oo kale Maxkamaddu ay dil ugu fulisay laba askari oo dilal geystay.
Ugu dambeyn, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxa ay dhawrkii bil ee lasoo dhaafay ay dilal toogasho ah ku fulisay eedeysanayaal isugu jira askar iyo Alshabaab, kuwaasoo lagu helay dambiyo kala duwan.













