Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Dimuquraadiga Itoobiya, mudane Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqaasho shaqo ku yimid caasimadda dalkeenna ee Muqdisho.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa madaxtooyada Qaranka ku yeelan doona wadahadallo ku aaddan sidii labada dhinac ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda dhinacyada amniga, siyaasadda, diblumaasiyadda, ganacsiga, ilaalinta xasilloonida gobolka iyo la dagaallanka argagixisada caqabadda ku ah horumarka shucuubta labada dowladood.

























