Dayactir lagu billaabay Nalalka Cadceedda ku shaqeeya ee Wadooyinka Caasimadda: SAWIRRO

0
505

Waaxda Soollarka iyo korontada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dayactir ku sameynaysa nalalka cadceedda ku shaqeeya ee Waddada Maka Al-Mukarama.

Agaasimaha Waaxda Soollarka iyo Korontada Dowladda Hoose, Maxamed Cabdisalaan Qallaafe oo dayactirka ka hadlay ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in dib loo shido nalalkan oo dhawr jeer ay cillado ku yimaadeen.

“Annagoo fulinayna amarkii dhawaan ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaan dayactirkan kasoo billownay Isgoyska Banaadir, wayna soconayaan inta laga dayactirayo dhammaan nalalka cadceedda ku shaqeeya ee waddooyinka caasimadda oo dhan,” ayuu yiri Agaasime Qallaafe oo la hadlay codka caasimadda ee Gobolka Banaadir.

Nalalka Cadceedda ku shaqeeya ayaa waxaa laga hirgeliyay Muqdisho sanadkii 2012-kii, iyadoo la geliyay dhammaan waddooyinka caasimadda, waxaana loo gudbiyay gobollada dalka.

Dayactirka nalalkan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka caasimadda ku nool, iyagoo sheegay in faa’iido badan ay ku qabaan nalalkan marka gabalku dhaco.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dhawaan sheegay in la dardar-gelinayo si kor loogu qaado bilicda caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here