Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya: SAWIRRO

0
280

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson oo ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Somalia iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Danjire Johansson ayaa sheegtay dhankiisa in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Somalia, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here