Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay imtixaanka shaqaaleysiinta saddex kun (3000) oo macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Imtixaanka waxaa ka qaybgalaya 8000 oo macallin oo ku galaya imtixaanaadka 22 goobood oo ku kala yaala 11 magaalo oo ka tirsan dalka.
Furitaanka Imtixaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasoo ammaanay sida loo qorsheeyay qaadista imtixaanka, uma rajeeyay guul macallimiinta ka qaybgalaya.
“Waa wax lagu farxo in Gobolka Banaadir laga qaadanayo 1000 macallin, kuwaas oo ka mid ah 3000 oo macallin oo dalka oo dhan laga qaadanayo” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed oo daahfurka imtixaanka ka hadlay.
Waxaa 3800 oo macalimiin ah ayaa uu saakay uga furmay imtixaanka xarunta jaamacadda ummadda ee degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Macalimiinta maanta galaya imtixaanka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee doonaya inay ka mid noqdaan macallimiinta ay dowladdu qaadanayso waxaa ka mid ah Hooyo Xamdi Maxamed Xuseen oo umul ah, waxay dhabta ku heysataa gabar dhallan 8 maalmood. Sidoo kale saygeeda Macallin Maxamed Cabdi Cali ayaa ka mid ah aqoonyahannada u fariistay imtixaanka wasaaradda.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in 3000 oo macallin ay qaadanayso, kuwaasoo wax ka dhigi doona iskuullada dowladda ee ku yaalla Muqdisho iyo Maamul-goboleedyada dalka.















