Guddoomiye Yabooh oo ka Qaybgalay Shir looga hadlayo isku-dubaridka Xasilinta Qaranka oo ka furmay Kismaayo: SAWIRRO

0
343

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa magaalada Kismaayo ee dowlad Goboleedka Jubbaland uga qeyb-galaya shirka Isku-dubaridka Xasilinta Qaran oo ay soo agaasintay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay si wadajir ah u fureen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka Xukuumada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii xasilin qaran oo ay qayb ka yihiin dhamaan dhinacyada ay khuseyso loogu sameyn lahaa goobaha iyo magaalooyinka laga xoreeyo cadowga argagixisada ah ee Alshabaab.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir u diyaarsan yahah qorshaha xasilinta Qaran iyo ka qeyb-qaadashada maareynta xaaladaha ay abuureen dagaallada lagu jiro cadowga, Maadaama Gobolka Banaadir uu yahay halka ugu badan oo ay soo gaaraan dadka kasoo barakaca dhibaatada ay abuureen argagixisadu.

Mudane Yabooh ayaa sheegay in uu shirkaan ka rajeenaayo in uu noqdo mid miro-dhal ah oo ay kasoo baxaan xalal waara oo wax badan kusoo kordhiya qorshaha guud ee nabadeynta iyo xasilinta Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here