Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray nidaamka ilaalinta bulshada ee diiwaanka bulsho ee midaysan oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan la’aanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo Ayaxa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay mudnaanta uu xilligan u leeyahay dalka nidaamkan oo ay xuddun u tahay siyaasadda xukuumadda Dan-Qaran ee ah in la helo horumar ay bulshadu qayb ka yihiin, una siman yihiin si loo xoojiyo ammaanka, koboca dhaqaalaha & wada-socodka bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Mudane Xamsa ayaa faray dhammaan Hay’adaha caalamiga ah, kuwa Waddaniga ah iyo inta ku hawlan hawlaha gargaarka inay isticmaalaan diiwaanka USR ee dawladda si looga fogaado, iska warqab la’aan iyo xaqiijinta in bulshada si hufan loogu adeego, taasoo keenaysaa in lagu kalsoonado dawlada, waxayna caawinaysaa dhisidda dawlad-wanaagga.





































