Guddoomiye Amiir oo Hambalyada Ciidul Fitriga u diray Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Caasimadda

0
75

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda dalka ee Muqdisho ugu hambalyeeyay Ciidul Fitriga oo maalinta berri ah ku beegan.

Duqa Caasimadda ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri sidan:

Bismillah, Asalaamu Caleykun Waraxmatullahi Wabarakaatuhu.

Waxaan guud ahaan ummadda Islaamka ah, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed – qaasatan bulshada gobolka Banaadir ugu hambalyeynayaa farxada Eidul Fidriga, waxaan Alla SWT ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd ee aan soo gudannay.

Waxaan mahadcelin iyo bogaadin u dirayaa ciidamada amniga oo had iyo jeer u taagan difaaca qaranka iyo badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, iyaga iyo qoysaskooda ayaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa munaasabadda Eidul Fidriga awgeed.

Ugu dambeyn, waxaan bulshada gobolka Banaadir ugu baaqayaa inay is caawiyaan oo il gaar ah lagu fiiriyo dadka danta yar, isla markaana laga farxiyo maadaama munaasabada Eida ay tahay maalmo farxad badan oo ku weyn ummadda Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here