Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa ka qayb-qalay shirka isku xirka hawlaha iyo fulinta qorshaha shanta sano ee soo socota (2024-2028) ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed.
Madashan oo uu furay wasiirka wasaarada amniga gudaha XFS, mudane Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa goob-joog ka ahaa agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

























