Mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey in dalka u laabto doorasho uu saldhig u yahay heshiiskii 17 September.
Waxaana Haa ugu codeysay 140 xildhibaan oo goob joog ahaa kulanka uu baalamaanka ku yeeshay xaruntiisa villa Hargeysa.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumadda ku wareejiyey qabsoomidda doorashada iyo amnigeeda, ka dib Khudbad uu ka hor jeediyey golaha shacabka.













