Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho Rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti oo uu kula kulmi doono dhiggiisa: SAWIRRO

0
150

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa, Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wadahadli doona xoojinta xiriirka soo-jireenka ah iyo sidoo kale iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here