Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar iyo Xarunta Dad-Dhigista ee Magaalada Muqdisho./Sawiro.

0
429

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray Xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar iyo Xarunta Dad-Dhigista ee ku taala Degmada Shangaani ee Magaalada Muqdisho.

Xarumahaan ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ku sameeyay dib-u-dhis Balaaran, si loogu adeego Bulshada ku dhaqan Caasimada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii loo dhisi lahaa xarumaha danta guud ee adeegyada kala gedisan loogu qabto Shacabka, iyadoona horey dib-u-dhis iyo balaarin lagu sameeyay xarumo dhowr ah oo loogu adeego Bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here