Guddoomiye Madaale oo Kormeer ku tagay Xarunta Taliska Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee Municipio: SAWIRRO

0
229

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Ilaalinta deegaanka Xamar ee (Municipio) si uu ugu kuur-galo hawlaha shaqo ee ciidanka.

Duqa Muqdisho uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa warbixin ka dhageystay hoggaanka taliska iyo qaybaha saraakiisha.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa kula dardaarmay saraakiisha, dableyda iyo alifleyda ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar in ay dardar-geliyaan shaqooyinka dowladda Hoose ee Xamar, iyaga oo ilaalinaya bilicda caasimadda, kana shaqeenaya sare u qaadidda dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here