Madaxwaynaha Jumhuuriyada Fadaaralka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii 2-aad ku guda jira ka qaybgalka Madasha Diblumaasiyadeed ee Antalya ayaa halkaas ka jeedayay khudbad uu kaga waramayo xaaladaha Dalka
Madaxweynaha dalka ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka argagixisada, qorsheyaasha dib u dhiska ciidamada, dhammaystirka tiirarka dowladnimada iyo sida dalkeennu uu ugu soo laabanayo fagaareyaasha caalamiga ah.













