Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cali Doodishe ayaa kulan xiojinta amniga Caasimadda iyo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo maandooriyaha la qaatay saraakiisha laamaha kala duwan ee Ammaanka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulanka, waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, taliska Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka, taliyeyaasha qaybta guud ee vooliska iyo nabadsugidda Gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidanka xasilinta Caasimadda iyo saraakiisha la shaqeeya laamaha Amniga Muqdisho.
Shirkan ayaa lagu gaaray in la dardargeliyo awaamiirtii horey ugu soo baxay madaxda dowladda oo ay ugu horreyso xakameynta hubka, iyada oo qofkii ku xad-gudubta lala tiigsan doonno maxkamadaha ku shaqada leh, waxaa kaloo laga doodau dagaalka ka dhanka ah khawaarijta (garan-waaga), maandooriyaha, wacyigelinta bulshada iyo in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa bulshada iyo laamaha ammaanka.
Ugu dambeyn, shirkan ayaa lagu amaanay doorka hoggaamineed ee madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, si dagaalkaas loogu guul gaarana ay muhiim tahay in bulshada Caasimadda doorkooda ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.





































