Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kaddib caawa si rasmi ah u daah-furay dib u soo nooleynta mashruucii (DALKAAGA KU DHISO HAL DOLLAR), kaasoo ahaa mid horay u hirgalay laguna dhisay qaar kamid waddooyinka waaweyn ee Caasimadda Soomaaliya.
Daah-furka mashruucan waxaa goobjoog ka ah; wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeennada maamulka Gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee Gobolka Banaadkr, agaasimayaal, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir, ganacsato, culummo iyo hoggaanka ururrada bulshada rayidka.
Munaasabadda Daah-furka Mashruucan ayaa lagu soo bandhigay muhiimadaha uu xambaarsan yahay barnaamijka oo ah markii labaad oo uu ku dhawaaqo Duqa Muqdisho ee ah ‘DALKAAGA KU DHISO HAL DOLLAR’. Waxaana fulinta mashruucan iska kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga iyo warshadaha iyo sidoo kale bulshada ku nool Caaaimadda.
Ugu dambeyn, Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Madaale ayaa mashruucan u xushay dardar-galinta horumarinta bilicda Gobolka Banaadir, gaar ahaan dib-u-dhiska waddooyinka iyo hoos u daadajinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada.



















