Ra’iisul Wasaare Xamse oo xubno kale ku biiriyay Golaha Wasiirrada XFS

0
456

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah, kuwaasoo loo magacaabay hal wasaarad.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in baahida loo qabo magacaabidda xubnahan Golaha Wasiirrada XFS darteed uu magacaabay:

1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacabistan u cuskaday: Qodobka 97-aad faqradiisa 3-aad ee Dastuurka KMG. Qodobka 98-aad faqradiisa 2-aad xarfaha A&B ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 100-aad Xarfaha A,B&C ee Dastuurka KMG.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dar-daarmay labada xubnood ee ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Somalia in xilkooda ay u gutaan si waafaqsan dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo mas’uuliyad.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u rajeeyay kabadaan xubnood inuu Eebbe ku asturo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here