Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay maamulka Isbitaalka Ciidanka Xoogga, isaga oo booqday dhaawacyada qaar ka mid ah ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaannada ee lagu daweynayo Isbitaalka Xoogga.
Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka, isaga oo sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay taageeridda iyo garab-istaaga ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in uu gacan ka geysan doonno wax ka qabashada baahiyaha ka jira isbitaalka, si ay adeeg hufan u helaan ciidamada waxyeellada kasoo gaara dagaalka lagula jiro cadowga.
Ugu dambeyn, Maamulka gobolka Banaadir ayaa isbitaalka Xoogga dalka ka fulinaaya nalalka ku shaqeeya cadceedda, taas oo qayb ka ah qorshaha garab-istaaga iyo taageeridda ciidamada iyo isbitaalka, waxaana ka mahadceliyay maamulka isbitaalka Xoogga dalka Soomaaliya.














