Duqa Muqdisho oo soo xiray tartankii Qur’aanka Kariimka ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
619

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo ardaydu ay ku tartamayeen; 30 Jus, 20 Jus iyo 10 Jus.

Xaflada xiritaanka tartanka Qur’aanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Agaasimeyaal Guud, Agaasime Waaxeedyo, Culummaa’uddiin, Guddoomiyeyaal degmo, Waaliddiin iyo marti-sharaf kale.

Hadallo laga jeediyay munaasabadda ayaa loogu mahadceliyay ardaydii kaalimaha kala duwan galay, iyadoo amaan la huwiyay waaliddiintii barbaariyay ubadka Soomaaliyeed ee tartanka ku guuleystay.

Ugu dambeyn, Ardaydii kaalimaha galay ayaa goobta lagu guddoonsiiyay abaal-marinno lacageed oo uu maamulka Goholka Banaadir ugu talogalay gabi ahaan ardaydii guuleysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here