Maamulka Degmada Xamarweyne oo hawlo nadaafadeed ka billaabay Xaafadaha Degmadaas: SAWIRRO

0
504

Maamulka Degmada Xamarweyne, Waaxda Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa olole nadaafadeed oo wadajir ah ka sameeyay xaafadda Aw-aweyska ee Degmada Xamarweyne.

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Suudi ayaa sheegay in waaxda nadaafadda ay ka go’an tahay sidii ay u soo celin lahayd bilicda Caasimadda, laakiinse waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay iskaashi dhex-mara Waaxda Nadaafadda, Maamulada Degmooyinka iyo Bulshada qaybahooda kala gaddisan si loo gaaro magaalo nadiif ah la jaan-qaada dhigeeda caasimadaha aduunka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne, Daahir Maxamed Raajis ayaa digniin u diray shacabka qashinka ku shuba xaafadda Aw-aweyska, isaga oo xusay in qofkii lagu qabto isaga oo ka shaqeynaya nadaafad-darro sharciga lala tiigsan doonno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here