Ra’iisul Wasaare Xamse oo Isku-shaandheyn kooban ku sameeyay Golihiisa Wasiirrada: MUUQAAL

0
193

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran, iyadoo isku shaandheyntan ay saameysay wasiirrada Gaashaandhigga, Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo cuskanaya qodobbo dastuuri ah ayaa magacaabay xubnahan soo socda:

1. Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

2. Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

3. Mudane Axmed Macallin Fiqi, waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ku akhriyay liiska xubnaha la magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here