Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kormeer ku tagay xarumaha degmooyinka Kaaraan, Hodan iyo Warta Nabadda oo ay maanta ka billowdeen is-diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha dadweynaha ee ku saleysan doorashooyinka dalka ee qof iyo cod.
Duqa Muqdisho ayaa boogaadiyay sida ay bulshada Caasimadda u soo gaarayaan goobaha loo asteeyay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha si ay u qaataan shahaadada codbixinta, isla markaana ay fursad ugu helaan inay soo doortaan madaxdooda kuna ciil baxaan codkooda, taasi oo qayb ka ah xuquuqdooda muwaadinnimo.
Kormeerka Duqa Caasimadda waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.
Degmooyinka Kaaraan, Hodan, Warta-Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Howl-wadaag, ayay maanta ka furmeen is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaana horey diiwaangelinta looga billaabay degmooyinka Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.

























