Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS. Mudane Xasan Macalin ayaa si wadajir ah u dhagax-dhiggay dhismaha waddada laamiga ee degmada Dayniile.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddadan uu qayb ka yahay fulinta mashaariicyo horumarineed oo lagu dhisaayo kaabayaasha Isku socodka degmooyinka gobolka Banaadir, asigoona kula dar-daarmay bulshada degmada Dayniile inay door ka qaataan illaalinta waddadan, isla markaana ay is-diiwaan-geliyaan si ay u qaataan shahaadada codbixinta doorashooyinka.
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macallin ayaa ugu mahadceliyay Duqa Muqdisho Mudane Amiir, suurta-gelinta in la dhagax-dhiggo waddadaan oo muhiim u ah isku socodka iyo kobaca dhaqaalaha ee labada gobol Shabeelaha Hoose iyo gobolka Banaadir.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa isla markaana hadalo ka jeediyay Xildhibaan Dayax, guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure, guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud, Mudane Xasan Jimcaale, guddoomiyaha degmada Dayniile, agaasimeyaal, nabadoonno iyo ganacsato.
































