Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.
Lacagtan ayaa 2018 looga qaatay garoonka diyaaradaha Muqdisho dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana loo fasaxay todobaadkii hore kadib markii uu fuley amar uu hore u bixiyey PM-ka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.














