Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir oo Dhagax-dhigay waddada Laamiga ah ee Kaysaney: SAWIRRO

0
148

Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee Keysaney ee degmada Kaaraan, taas oo qayb ka ah qorshaha horumarinta kaabayaasha magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Xasan Jimcaale sheegay in magaalada Muqdisho ay ka socdaan horumar ballaaran, isla markaana maalmaha soo socda la dhagax-dhigi doono waddooyin kale oo dhawr ah, isaga oo bulshada degmada Kaaraan ugu baaqay inay door ka qaataan ilaalinta iyo bilicda kaabayaasha la dhisayo ee muhiimka u ah bulshada.

Munaasabadda dhagax-dhigga dhismaha waddada laamiga Keysaney ee degmada Kaaraan, waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Kaaraan, mudane Faarax Caddaani, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, agaasimayaal, ganacsato iyo qaybaha kala kala duwan ee bulshada degmada Kaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here