Mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo Galmudug oo gaaray Degmada Xarardheere: SAWIRRO

0
332

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhiga xukuumadda fedaraalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa kormeeray xaafadaha magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoorqoor iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa u kuur-galay xaaladda nololeed ee bulshada reer Xarardheere ee dib ugu soo laabtay magaalada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha dowladda ee bixiya adeegga bulshada sida xarunta degmada, isbitaalka guud iyo saldhigga booliska Xarardheere.

Degmada Xarardheere oo ah deegaan muhiim ah ayaa waxay ciidamada dowladda Soomaaliya la wareegeen 16-kii bishaan, kaffib muddo 15 sano ah oo ay Al-shabaab xoog ku haysatay shacabka ku nool degmadaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay weli kooxaha argagaxisada ah kula dagaallamayaan deegaanno kala duwan si ay uga saaraan, si shacabka deegaannadaas looga saaro gacanta gurrqcan ee Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here