Rag hubeysan oo ku labisnaa dharka ciidanka ayaa maanta dad rayid ah ku laayay degaanka Xersi lugeey oo u dhexeeysa deegaanada Guriceel iyo Balanballe ee gobolka Galgaduud.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in raga dilka geestay ay wateen labo gaari oo nooca dagaalka ah, ayna layeen dad rayid ah oo xilga weerarka dhacaayay ku sugnaa deegaanka.
Magacyada dadka la xaqiijiyay geeridooda ayaa lagu kala sheegay sida tan:-
- Gaarane Xawil Samatar
- Cabdi Xersi Carab Kaahiye
- Cabdi yare Maxamed Ow Faarax
- Cadawe Xersi lugeey
- Ibnu Cali Dheere Xirsi Cawaale
Dadka weerarkaas ku dhintay ayaa waxaa kujira Macalin Dugsi Qur’aan, iyada oo dadka werarkaasi ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud si halkaasi loogu daaweeyo.