Dhismaha Waddada Laamiga ah ee Xiriirisa Xeebta Liido iyo Isgoyska Degmada Kaaraan oo ku dhaw heer Gabo-gabo ah: SAWIRRO

0
313

Waxaa heer gabo-gabo ah maraya dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Isgoyska degmada Kaaraan iyo aargada xeebta Liido ee degmada Cabdulcasiis, waxaana waddadan ay halbowle u tahay isku xirka qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

Dib u dhiska WAddadan laamiga ah oo marta degmooyinka Cabdulcasiis iyo Kaaraan ayaa waxaa iska kaashanaya shacabka ku nool labada degmo iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana soo dhaweeyay dhiamaheeda shacabka oo sheegay in markii hore ay dhibaato ku qabeen maridda waddadan oo aad u burbursanays.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dib u dhiska waddadan 24-kii bishii December ee sanadkii hore 2023, kaddib markii shacabka degmooyinkaas ay ka dalbadeen maamulka gobolka Banaadir in loo dhiso waddadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here